Sawirro: Rooble oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Galmudug

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli gudaha magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo wada-tashi ah oo ku aadan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Rooble ayaa si gaar ah kulamo kala duwan ula yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.

Sidoo kale wuxuu booqasho ku tegay xarumaha loogu talagalay inay ku shaqeeyaan xubnaha qaabilsan doorashooyinka ee maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here