Sawirro: Rooble oo qado Sharaf u sameeyey madax goboleedyada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qado sharaf mahadcelin ah u sameeyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud kaddib shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Ra’iisul Wasaare ayaa madaxda uga mahadceliyay dadaalkii lagu bixiyay inay si guul ah ku soo idlaado shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka, kaasi oo shalay si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay, lagana soo saartay warmurtiyeed lagu caddeeyay waxyaabaha lagu heshiiyay iyo in dalka ay ka dhacdo doorasho sal u ah heshiiskii 17-kii September 2020 oo noqoto mid xor iyo xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here