Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo shir muhiim ah ka furay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya.

Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here