Sawirro: R/W Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Qatar

0

DOOXA (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Doxa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Qatar, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble socdaalkiisa uu ka dambeeyay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka aya lagu wadaa in maalinta berito ah uu kulamo la qaadan doono Madaxda dowladda Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya iyo horumarka kale ee ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here