Sawirro: Saadaq Joon oo ku soo baxay doorasho ka dhacday Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Saadaq Cumar Xasan (Joon) ayaa kusoo baxay kursiga HOP#248, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Saadaq Joon ayaa helay 81 cod, halka musharixii la tartamayey Cabdullaahi Xirsi Diirshe uu isna helay 17 cod sidoo kale waxaa halaabay 2 cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa saddex kale kursi ee ku xigta, isla-markaana loo qorsheeyey in maanta lagu doorto Galmudug.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si habsami leh uga socoto maamul goboleedyada iyo Muqdisho, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii Golaha Wadatashiga.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here