BOOSAASO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Boosaaso ku qaabilay wefti balaaran oo uu hogaaminayo CEO-ga iyo Agaasimaha Maamulka DP-WORLD ee Bariga Dhexe iyo Africa Suhail Al-Banna.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd dhaqaajinta balaarinta shaqo ee Dekedda magaalada Boosaaso.
Waxaa qayb ka ahaa kulanka Wasaaradda Dekadaha iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda.