Sawirro: Saraakiil ciidan oo tababar loogu soo xiray magaalada Gaalkacyo

0

Tababarkaan oo soconayay muddo 12 maalmood ah isla markaana ahaa mid lagu baranayay habraaca ka hortagga danbiyada iyo baaristooda ayaa magaalada Gaalkacayo loogu soo gaba gabeeyay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska degmada Gaalkacayo.

Xiritaanka tababarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caddaalada Galmudug Maxamuud Guure Guuleed taliyaha saldhiga booliiska degmada Gaalkacayo labo xidigle Cali Xirsi Sahal taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka Mudug gaashaanle Maxamed Xasan Warsame xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Galmudug ee qeybta 21aad gaashaamle sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse guddoomiyaha maxkamadda gobalka Mudug Cabdirisaaq Cali Yuusuf xeer ilaaliyaha maxkamadda gobalka Abuukaate Cabdi Xakiim Maxamed Xirsi iyo qareenno ka socday dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo ahaa macalimiintii tababarka bixinayay

Abuukaate Ismaaciil Xalane oo ka mid ahaa qareenadii tababarka bixinayay ayaana ugu horeeyn la dar daarmay saraakiishii tababarka ka faa iideeystay.

Taliyaha saldhiga booliska degmada Gaalkacayo labo xidigle Cali Xirsi Sahal taliye ku xigeenka qeybta booliska gobalka Mudug gaashaanle Maxamed Xasan Warsame ayaa iyaguna ka mahad celiyay tababarka la siiyay saraakiisha booliska degmada Gaalkacayo, iyagoona xusay in ay wax weyn kusoo kordhin doonto shaqada ay u hayaan shacabka.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaaliya ee qeybta 21aad gaashaanle sare Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse guddoomiyaha maxkamadda gobalka Mudug Abuukaate Cabdirisaaq Cali Yuusuf ayaa iyaguna ku la dar daarmay saraakiisha tababarka qaatay in tababrkoodu uu noqdo mid wax wayn ka badala hanaanka shaqo ee ciidanka booliska, iyagoo dhanka kalana xusay in ciidanka boolisku ay yihiin furaha laga soo galo ka hortaga danbiyada iyo baaristooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here