Sawirro: Aadan Madoobe oo booqday safaaradda Soomaaliya ee Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin farxad ay u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here