BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe kulan la qaatay ururada haweenka Degmada Baydhabo, Gobolka Baay iyo ururada bulshada rayidka.
Ururka Haweenka iyo kuwa bulshada rayidka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaaneen dadaalka horumarineed ee bulshada iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxaana ay tilmaameen in lagu guuleysan doono gogosha taala magalada Baydhabo si dadka deegaanka ay u heleen nabad iyo xasilooni.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa haweenka Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ku amaanay in ay laf dhabar u yihiin hana-qaadka dowladnimada dalka, iyagoo haweenka Soomaaliyeed mudan yihiin in loo mahadceliyo si ay u xoojiyaan kaalinta bulshada ku leeyihiin ay u laba jibaaraan.