Sawirro: Shir looga hadlayay amniga oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid gaar ah ayaa waxaa ka qayb-galay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sugidda amniga caasimadda dalka iyo dardar gelinta dagaalka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  Salax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa ku bohgaadiyay saraakiisha amiga iyo maamulka gobolka inay laba jibaaraan dagaalkooda.

Sidoo kale wuxuu faray ciidamada ammaanka inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga hortago falalka amni darrada ah.

”Waxaan ku boorriyay saraakiisha Amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir  inay laban-laabaan dedaallada sugidda Amniga, Isla markaana feejignaan dheeri ah muujiyaan inta laga sifaynayo Argagaxisada guud ahaan dalka.” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Kulankan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay kordhiyeen howlgallada ka socdo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here