Sawirro: Shir u dhexeeyo DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federal Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Shirkaan waxaa si ramsi ah u furmay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuuna sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha Mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi waxaa furitaanka shirkaan ku wahliyey Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Hon. Raho Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Hon. Cabdiqafaar Xaange, waxaana diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Gebagebada Shirkaan oo socon doona mundo 3 maalmood ah ayaa la filaa in laga soo saaro War-Murtiyeed wadajir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here