Sawirro: Shirka Banbaxa gobolka Banaadir oo galay maalintii afaraad

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo maalintii 4-aad galay, kaas oo looga hadlay qodobo saldhig u ah howlaha hortabinta u leh Shanta sano ee soo socota.

Banbaxani oo ujeedadiisu yahay sidii Gobolka Banaadir u heli lahaa qorshe siyaasadeed cad oo miro dhala, isla markaana ka turjumaya baahida Caasimadda, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha ciidanka ilaalinta deegaanka ee D/X, Agaasimayaal, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo marti sharaf kale.

Madasha shirka ayaa lagu soo bandgigay qorsha hordhac u ah istaraajiidiyada Shanta sano ee soo socoto oo uu ku howlgali doono Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, gaar Ahaan qodobo ay kamid yihiin Dib u hagaajinta Qalfoofta Gobolka Banaadir, Shaqa tilmaama cad oo lagu howlgalo, Qorsha howleed mudeysan iyo Miisaaniyad ku salaysan howlaha iyo adeegyada Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here