Sawirro: Shirka xiriirinta gurmadka abaaraha gobolka Banaadir oo qabsoomay

0

MUQDISHO (SMN) – Shirka xiriirnta Gurmadka Abaaraha Gobolka Banaadir oo ay shir guddoomisay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta warbixin loogu dhageystay Guddiga Abaaraha Gobolka Banaadir oo maalmihii ugu danbeeyay ku mashquulsanaa sidii xog dhameystiran ay ugu keeni lahaayeen isla markaana gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka Abaaraha ay soo saameeyeen kuwooda soo gaaray Gobolka Banaadir.

Guddiga Abaaraha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in loo wada istaago Dowlad, Ganacsato iyo Shacab sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaartu saameesay, isla markaana loo xaqiijiyo habsami u socodka iyo waxtarka howlaha Gurmadka abaaraha ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxaana lagu baaqay in kulan Duco iyo Roob doon la qabto si eebe noogu dul qaado abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here