Sawirro: Sidee ra’iisul wasaare Xamza loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti?

0

JABUUTI (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi oo si diirran uu ugu soo dhaweeyay, dhiggiisa dalkaas Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo booqasho rasmi oo saddex cisho ay ku joogi doona Jabuuti, ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda sare ee waddankaasi.
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here