Sawirro: Soomaaliya iyo UK oo ka wada-hadlay gurmadka abaaraha dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Xubno ka socda dowladda Ingiriiska  oo uu hoggaaminaayay Nick Dyer oo ah Ergeyga gaarka ah ee boqortooyada Uk u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada iyo macluusha ayaa kala hadley ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Cabdiraxman Cabdishakur Warsame howlaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Ergeyga Madaxweynaha DFS u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha iyo bini’aadannimoda ayaa Dowladda UK iyo Xafiiskooda Arrimaha bini’aadannimoda uga mahadceliyay garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo dadkeenna tabaaleysan.

Waxaa intaas kadib labada dhinac iska wareysteen howlaha socda, ballamadii hore waxa ka qabsoomay iyo waxyaalaha hadda la iska kaashan karo.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha gurmadka ben’ iaadanimada Cabdiraxmaan oo bogaadinaya garab istaagga boqortooyada Uk ayaa ugu dambeyntii tilmaamay wax ku oolnimoda u qareemidda arrimaha abaaraha Soomaaliya oo ay boqortooyada UK iyo hayadaheedu iska xilqaameen iyo sida mudnaan u leedahay in lasii joogteeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here