Sawirro: Soomaaliya oo ka qayb-gashay shirweynaha Jaamacadda Carabta

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Omar Huruse iyo wafti uu hogaaminayay aya ka qayb galay shirka 158-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Kulanka Waxaa looga hadlay iskaashiga dawladaha carabta iyo arrimaha hadda taagan ee khuseeya waddamada carabta, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee saamaynta ku leh shucuubta carabta.

Waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan sidii dawladda Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo abaaraha ka tagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here