Sawirro: Soomaaliya oo shir caalami ah uga qayb-gashay dalka Imaaraadka

0

DUBAI (SMN) – Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hoggaaminayey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir heerkiisu sarreeyo uga qayb galay magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay Dowladaha iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay marayaan Arrimaha Tamarta(Korontada) ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Caalamiga ah ee International Renewable Energy Agency (IRENA) ayaa ahaa kulankii 13Aad ee Golaha Hey’adda, kaas oo looga hadlayey Arrimaha Tamarta is cusboonaysiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here