Sawirro: Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qeyb-gashay Serbia

0

SERBIA (SMN) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa ka qeyb-galay shirka dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada ka jira caalamka oo si rasmi ah uga furmay caasimada Beldgrade ee Wadanka Serbia.

Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 105 wadan oo ay Soomaaliya ka mid tahay iyo wufuud kale oo caalami ah ayaa socon doona muddo laba maalmood ah oo Madaxda ka soo qeyb-gashay ay khudbado ka jeedin doonaan.

Sidoo kale waxaa lagu xusayaa sanad-guurada 60aad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas-aasay dhaq-dhaqaaqan oo ay Soomaaliya ka mid tahay aas-aaseyaashii isbahaysiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here