Sawirro: Wada-hadallo xasaasi ah oo Kismaayo uga socdo Jubbaland & K/Galbleed

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa haatan ka socdo wada-hadallo gaar ah oo u dhexeeyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa maanta kulan hordhac ah ku yeeshay madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo, waxaana kulankooda ku wehlinayo xubno ka tirsan 2 gole ee maamuladaas.

Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa si gaar ah uga arrinsanaya xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee ka socda dalka.

Wararka ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay diiradda saari doonaan dano gaar ah oo isaga xiran, isla-markaana la xiriira kuraasta baarlamaanka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ayaa isla soo qaadaya sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ay haatan leeyihiin dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Jubbaland ayaa haatan guda-galeysa doorashada Golaha Shacabka, halka Koonfur Galbeed ay ku billowday 11 xildhibaan, walow kuraasta qaar la hakiyey, kadib cabasho ka timid.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here