Wafdi hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Waxaa wafdigan Baydhabo ku soo dhaweeyay Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdirahmaan, Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Shaati-Gaduud, Mudane Salaad Maxamed Muktaar, Siyaasiyiin, Sarakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Wafdigan ayaa hordhac u ah madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo oo lagu wado in uu beri furo shirka Dib-uheshiisinta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa degmada Baydhabo ku wajahan wafuud kale oo ay qayb ka yihiin mucaaradka, kuwaas oo iyaguna ka qayb-galayo shirka Koonfur Galbeed oo uu gogoshiisu dhigay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Dhanka kale ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaalada, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka wada halkaasi.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan, waxaana ka dhashay gacan ka hadal, kadib markii ciidamada ammaanka iyo kuwo taabacsan mucaaradka ay ku dagaalameen Baydhabo, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here