Sawirro: Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Buurhakaba

0

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Koonfur Galbeed Eng. Cabdifitaax Isxaaq Maxamed iyo xildhibaan Bishaaro Cali Nuur ayaa maanta tagay degmada Buurhakaba ee gooblka Baay, u jeedada socdaalkooda wuxuu ahaa sidii degmada loo gaarsiin lahaa imtixaanka dugsiga sare iyo dhexe ee halkaas.

107 arday oo dugsiga sare ah ayaa sanadkan imtixaanka shahaadiga ku gali doonta degmada Buurhakaba kaas oo bilaabanaya 29 bishan Maajo.

Sidoo kale, wefdiga wasiir ku xigeenka waxbarashada Koonfur Galbeed waxaa kamid ahaa kormeeriyaal ka socda wasaaradda Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here