Sawirro: Wafdi ka socdo DF Soomaaliya oo gaaray dalka Imaaraadka + Ujeedka

0

ABU DUBAI (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gaaray magaalada Abu Dubai.

Wafdiga Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiir Jaamac ayaa inta uu jogo Imaraadka waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda dalkaas, oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxaa wadahadalka qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, si ay dowladdu taageere uga hesho Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka la leh Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-ย 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here