Sawirro: Wasaaradda Caafimaadka XFS oo deeq kala wareegtay dowladda Masar

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa la wareey deeq isugu jirtay Dawo iyo raashin oo Dowladda Masar ugu talagashey in ay kaga qeyb qaadato gurmadka dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo dagaalada lagula jiro Khawaarijta.

Munaasabad kooban oo lagula wareegayay deeqdan ayaa lagu qabtay Dekadda Magaalada Muqdisho, deeqda caafimaad oo gaaraysay 239 tan ayaa waxaa la wareegay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan waxa uuna balan qaaday in deeqdan Caafimaad la marsiin doono hanaanka saxda ah looguna faa’ideyn doono bulshada baahida u qabta.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay Danjire Mohamed Al-said Ahmed Albaz oo wakiil ka ahaa deeqdan lasoo gaarsiiyay Wasaarada Caafimaadka waxa uuna xusey in ka wasaarad ahaan ay xoojin doonaan xiriirka dhow ee ka dhaxeeya Wasaaradaha Caafimaadka Soomaaliya iyo Masar.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an gaarsiinta adeeg caafimaad goob kasta oo ay ka jirto baahi Caafimaad gaar ahaan goobaha laga xureeyey cadowga oo aysan ka jirin adeegyo Caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here