MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa garoonka Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliyq iyo dalalka Safka Hore.
Abiy ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dowladda, wuxuuna kadib gacan ka qaada mas’uuliyiinta ku soo dhaweeyay garoonka.
Intaas kadib Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaabilay, wuxuuna tilmaanay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka ATMIS.