Sawirro: Wasiirka arrimaha dibadda oo wadahadal la yeeshay dhiggiisa Serbia

0

NEW YORK (SMN) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa magaalada New York ee carriga Maraykanka kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Serbia Mudane, Nikola Selakovic.

Labada mas’uul ayaa waxay si qoto dheer ugu wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka ku aaddan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, maalgashiga, nabad-gelyadda, tababaradda teknolojiyadda iyo iskaashi ku saabsan dhanka siyaasadda caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Serbia ayaa leh xiriir wanaagsan aadna u sii horumarayay waayadaan dambe, kaas oo haatan wixii ka dambeeya noqonaya mid sii laba jibbaarma.

Kulanka wasiirradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya iyo Serbiya ayaa kusoo dhammaaday jawi farxadeed iyo sidii loo ilaalin lahaa isla markaana loo joogteyn lahaa xiriirka labada dal.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here