Sawirro: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay madax kala duwan

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamku ku leeyahay Soomaaliya, Mudane Maxamed Bamba M. Boba.

Kulanka oo ahaa booqasho sharafeed, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Agaasimuhu waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Muqdisho ku qaabilay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulankan booqasho sharafeedka ahaa, ayaa Wasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey waxaa ay sidoo kale kaga wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here