Sawirro: Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay danjiraha dowladda UK

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato arrimaha gurmadka abaaraha iyo ka xoreynta degaanada argagixsada ay kaga suganyihin dalka.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka iyo arrinaha abaaraha ka jira dalkaMay be an image of 4 people and people standing

May be an image of 3 people

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and headscarf

May be an image of 3 people and people sitting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here