Sawirro: Wasiirka Awqaafta ee Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Turkiga

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble oo ku sugan magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxa Diinta ee dalka Turkiga Dr Cali Arbaash.

Kulanka ayaa  looga wada hadlay sii xoojinta xiriirka iyo kor u qaadidda wada shaqayneed ee labada dhinac, waxa ka soo qaybgalay madaxda u saraysa arrimaha Diinta Turkiga iyo wafdiga ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Dhinaca kale waxa qabsoomay kulan aqoon iswaydaarsi ah oo dhexmaray Agaasimaha Waaxda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhigiisa Turkiga ee madaxa xafiiska guud ee arrimaha xajka iyo cumrada Dalka Turkiga oo ay weheliyaan madaxda qaybaha kala duwan, kulankaas oo kusoo dhamaaday kala faa’iidaysi iyo in la joogteeyo xiriirka labada dhinac.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa uga mahadceliyey Dawladda aan Walaalaha Nahay ee Turkiga sida ay u garab istaagtay shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed, Waxaana Wafdiga Wasiirku ay horay uga qayb galay shir weynaha Horumarinta Arrimaha Xajka oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Turkiga oo lagu qabtay magaalada Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here