Wasiirka caafimaadka XFS oo isbitaalka ku booqday dhaawacyadii Maxaas

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa xalay booqday Muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay weeraradii qaraxyada ahaa ee Arbacadii ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada laga keeney dhawaan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xogwareysanayey dhaawacyada xaaladdooda Caafimaad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku filan.

Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada, dhanka kale qaar kamida bukaanada ayaa ka madceliyay baxnaanada fiican iyo adeegga Caafimaad ee loo fidiyay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacu soo gaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here