Sawirro: Wasiirka Gaashaandhigg XFS oo kulamo ka wada dalka Itoobiya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa haatan kulamo xasaasi ah ka wada dalka Itoobiya oo uu booqasho ku joogo.

Wasiir Jaamac ayaa kulan miro dhal ah la qaatey Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya Field Marshal General Birhanu Jula.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray dagaalkan ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda gobollada dalka Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadalney Amniga Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ciribtirka Khawaarijta Alshabaab” ayuu yiri wasiirku.

Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dowladaha sida  tooska ah uga qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here