Sawirro: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay wakiilka WFP

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada shaqayn, gaar ahaan wada shaqaynta hay’adda WFP ee la xiriirta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano),kaas oo sannadkan uu billaabanayo wajigii labaad,

Kulanka ayaa Waxaa sidoo kale diirrada la saaray ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale WFP uga mahadceliyay shaqooyinka gargaarka ee ay ka qabato Soomaaliya,isagoo dhinaca kale ugu baaqay dhammaan hay’adaha gargaarka inay ballaariyaan ka jawaabida saamaynta abaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here