Sawirro: XF Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay shirweyne muhiim ah

0

Wasaaradda Arrimaha guddaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Muqdisho ka daahfurtay kulanka Qaranka ee xiriirka Dowladdaha Hoose , kaas oo lagu soo bandhigayey waxqabadka Dowladdaha hoosaha ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Saciid Abdullahi Calasow ayaa daahfuray Kulanka Qaranka ee Xiriirka Dowladaha Hoose , kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin kala duwan oo ka socday Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maaamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa waxaa kasoo qaybgalay Masuuliyiin ka kala socda Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo ay shaqadoodu tahay Dowladaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here