Sawirro: Xildhibaanada BF Soomaaliya oo markale su’aalo adag weydiiyey Bayle

0

MUQDISHO (SMN) – Kulanka wadajirka ah ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu dhamaystirayo dooda akhrinta labaad ee Miisaaniyadda Qaranka oo maalinkii labaad galay ayay Xildhibaannadu su’aalo waydiinayaan Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa wadajir Guddoonka Golaha Shacabka ku wehliya Guddoominta kulanka Wadajirka ah.

Wasiirka ayaa ka jawaabay dhowr su’aalood oo laga weydiiyey arrimaha maaliyadda, gaar ahaan lacag ay dowladda federaalka ka deynsatay hay’adda IMF.

Sidoo kale wasiirka Maaliyadda ayaa qiray in lacagtaas ay isugu jirto deyn iyo deeq sida uu hadalka u dhigay.

Bayle ayaa haatan wajahaya tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirka dowladda, isaga oo diiday inuu xortago xeer ilaalinta qaranka oo Isniintii u yeertay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here