Sawirro: Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

MUQDISHO (SM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo labadiisa ku-xigeen oo maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad Kulankiisa 11-aad  ee Golaha Shacabka oo Ajendihiisu  ahaa dhamaystirka akhrinta koowaad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa waxaa Golaha Baarlamaanka JFS hortooda ka aqriyey qaar ka mid ah Xildhibaanada.

Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ah udub dhexaadka aas-aasiga ah  ee Baarlamaanka kaas oo sharaxaya ku dhaqanka sharciga iyo waxyaabaha ka reeban cida ay quseeyso, iyadoo loo maraayo habka waafaqsan dastuurka iyo wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Hay’addaha kale ee dowladda.

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka  xildhibaanda u sheegay in Guddi loo soo xuli doono, xubnahaasi oo ka soo shaqeyn doona turxaan-bixinta Xeer-hoosaadka Golaha, waxaana uu Guddoomiyuhu intaasi ku daray in kulanka xiga la shaacin  magacyadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here