Sawirro: Xildhibaanada KG oo bilaabay inay qaataan shahaadada xildhibaanimo

0

MUQDISHO (SMN) – Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay inay qaataan shahaadada xildhibaanimo ee ay bixinayaan xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal, arrintan ayaa imaanaysa xilli dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay sheegtay inay kalsoonidii kala laabteen guddiga doorashada heer federaal.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada xildhibaanimada ee kasoo galay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayuu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu cadaadinayo in aysan qaadanin shahaadada, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid meel looga dhacayo karaamada xildhibaanimada.

Waxaa sidoo kale shahaadada xildhibaanimo Shariif Maxamed Cabdalla oo isagana ka soo jeeda isla Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here