Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo kulamo ka wada Turkiga

0

KONYA (SMN) – Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan oo safar shaqo ku jooga dalka Turkia ayaa waxa ay booqasho ku tageen waaxyaha bixiya adeegyada dab-damiska, Maareynta Qashinka, Deegaanka iyo Xanaanada xoolaha ee Magaalada Konyo.

Wafdiga Maamulka Gobolka Banaadir ayaa loo soo bandhigay hannanka shaqo ee loo kala maareeyo

Dab damiska, Maareynta Qashinka iyo Deegaanka. Iyadoona la isla gartay in Dowladda Hoose ee Muqdisho laga caawiyo tababarada Howlwadeenada iyo Iskaashi aqoon kororsi oo dhex mara labada dhinac.

Sidoo kale iyadoo lasii xoojinaayo Mataaneenta Labada Magaalo ee Konyo iyo Muqdisho ayaa waxaa la isla gartay in Muqdisho lagu casuumo Waaxda Maareynta Qashinka ee Konya si loo ogaado baaxadda qashinka iyo in wax soo saar laga sameeyo Qashinka sida ka dhalinta korontada iyo gaaska wax lagu karsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here