Sawirro:- Yaa kusoo baxay doorashada lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa maanta lagu qabtay doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#012, Hop#048,  HOP#071 iyo HOP#137, Waxaana kusoo baxay xubnaha kala ah:-

1-Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#012 ee Golaha Shacabka.

2-Faaiso Maxamed Jeyte oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#048 ee Golaha Shacabka.

2- Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#071 ee Golaha Shacabka.

4-Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#137 ee Golaha Shacabka.

Kuraastan ayaan ah kuwii ugu dambeeyey ee ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here