Sawirro: Yuusuf Madaale oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dalka Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Abdulfatah Adam Moalim oo ay wehliyaan Madaxa Qeybta Daryeelka Bulshada ee Qatar Charity Mudane Xaamud Maxamed iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Mudane Abuubakar

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta howlaha muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed oo ay Hey’adda Qatar Charity ka qabato Gobolka Banaadir, iyo fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fulin doonto Gobolka Banaadir kuwaasi oo isugu jira Caawinta Agoomada, Xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo gar-gaarada Bini-aadannimo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Dowladda Qatar iyo Hey’addaheeda kala gedisan ugu mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Kaalinta ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada  iyo kaabayaasha muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here