Sawirro: Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ayaa kala saxiixday Heshiis Dhanka Waxbarashada ah iyo Shaqo Abuurka.

Munaasabadda Heshiiska Mashruuca Waxbarashada iyo Shaqo Abuurka ee TVET ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Siihaayaha Xilka Wasiirka Shaqada ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasiirka Qorsheynta ee XukuumaddaFederaalkaSoomaaliya.

Siihayaha Xilka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa ammaanay dadkii ka soo shaqeeyay, waxaana uu sheegay in mashruuca TVET uu xambaarsan yahay Fursado  isagu jira shaqo abuur iyo  Waxbarasho,  taasi oo uu xusay in ay tahay howl loo baahan yahay in looga faa’iideeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Cabdulaahi Carab ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dhammeystirka Saxiixa Mashruuca TVET oo ay maalgelinayso Midowga Yurub.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda maalgelinaysa madhruuca ee Midowga Yurub.

Mshruucan oo ay ku baxayso in ku dhow 15 milyan oo doolar ayaa loogu talo galay sameynta xirfadaha Waxbarashada ee tababarka Farsamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here