Senataradii ugu dambeeyey oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Galmudug ayaa maanta soo gabagabeysay doorashada xubnaha golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay kursiga todobaada ee Galmudug, kadib markii ay cod gacan taag ugu codeeyeen 83 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale kursiga labaad waxaa ku guuleystay Cabdi Cismaan Xareed oo isna cod gacan taag ku soo baxay, ka gadaal markii uu tanaasulay Mahad Aadan oo la tartami lahaa.

Doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystirtay Golaha Aqalka Sare, waxaana haatan billow ah mida Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here