Aqriso: Magacyada Senatarada Aqalka Sare ee lagu doortay magaalada Garowe

0

Xildhibaanada baarlamaanka  Puntland ayaa maanta doortay 11-ka Senatar ee ay Puntland ku leedahay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe.

Kursigii ugu horreeyey ee doorashada ayaa waxaa kusoo baxay madaxweynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) , wuxuuna helay 54 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Maxamed Cismaan Colaad uu isna helay 11 cod, sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale 10-ka kursi ee kale ayaa doorashadooda loo qabtay qaab codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen inta badan musharraxiinta tartami lahaa, iyada oo Puntland ay sidaasi ku noqoneyso maamulkii ugu horreeyey ee dhammeysira qabashada doorashada Aqalka Sare, waxaana ku soo baxay xubno aad ugu dhowaa madaxweyne Saciid Deni oo qaarkood wasiiro ka ahaa xukuumaddiisa, waxayna kala yihiin:-

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab

3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)

4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)

5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).

6- Daahir Ayaanle Siciid

7- Farxaan Cali Xuseen

8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)

9- Cabdiqani Geelle Maxamed

10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad

11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here