Senator Ilhaan Cumar oo maanta gaartay magaalada Garoowe + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan xubnaha Golaha Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maanta gaartay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Ilhaan Cumar ayaa waxaa garoonka Garoowe ku soo dhaweeyay ku simaha guddoomiyaha Ahna guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada dowlad gobolleedka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, masuu’lyiinta ka tirsan goleyaasha kale ee maamulkas.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynteeda ka qayb qaatay dadweyne fara badan oo maanta isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Ilhaan Cumar ay kulamo gaar gaar ah ay la qaadan doonto madaxda sare ee Puntland, sidoo kalena ay booqan doonto qoyskeeda oo dagan halkaasi.

Senator Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland. 2018-kii ayey noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here