Senator-kii ugu horreeyey ee Aqalka Sare oo lagu doortay Koonfur Galbeed

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya maamulkaas.

Samsam ibraahim Cali ayaa noqotey xildhibaankii ugu horeeyey Aqalka sare loo doortey Koonfur Galbeed 4 sano ee soo socota, iyadoona heshey 81-cod, waxaana la tartantay Marwo Shariifo Xaji Cismaan oo iyana heshay 4 cod, halka ay halaabeen 7 cod oo kale.

Senator Samzam ayaa horay uga mid aheyd Golaha Aqalka Sare ee waqtigooda dhammaaday, dib ayaana maanta loo doortay.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada afarta kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo gudaha magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here