Senatoradii ugu horreeyey ee Aqalka Sare oo lagu doortay magaalada Kismaayo

0

Xubnihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay Jubaland iyadoo ay billaabatay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr mar oo ay dib u dhacday.

Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare.

Fartaag ayaa helay 71 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibana.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee maanta la qabtay doorashodooda.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here