Serbia oo Somalia ka taageereysa amniga iyo tababbarka booliska

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Bratislav Gašić, isagoo mar hore ugu hambaliyeeyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

 

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Serbia ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Serbia uu sheegay in ay Dowladda Serbia diyaar u tahay taageerida Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Dhinacyada Amniga iyo Tababarada Ciidanka Booliska, sida ka hortagga dambiyada abaabulan iyo Baarista Dambiyadda rayidka

Wasiir Huruuse ayaa sheegay in Ahmiyad gaar ah ay Dowladda Soomaaliya siisay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta ayna muhiim tahay Taageerada Saaxiibada Soomaaliya.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here