Shabelle Radio oo loo aqoonsaday warbaahinta ugu wanaagsan 2022

0

MUQDISHO (SMN) – Somali Leadership Awards ayaa xalay qabatay xaflad sanadeed ay abaal-marino ku gudoonsiisay Shirkadaha iyo shaqsiyaadka guuleystay sanadkii tegay ee 2022.

Shaqsiyaadka guuleystay waxaa ka mid ah madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Saynab Xaabsey, Xeer ilaaliyihii hore ee qarankaa Axmed Cali Daahir iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Somali Leadership Awards ayaa abaal-marisay shirkado ganacsi, isbitaallo iyo hay’ado warbaahineed oo ay ka mid tahay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo markale loo aqoonsaday warbaahinta ugu wanaagsan gudaha dalka ee sanadkii tegay 2022-kii.

Shabelle ayaa horay ugu guuleysatay abaal-marino kala duwan oo ay xittaa ku jiraan kuwa caalami ah, waxaana u dambeeyay sanadkii la soo dhaafay ee 2021-kii oo loo aqoonsaday Idaacadda ugu wanaasgan ee gudaha dalka, kadib qiimeyn guud iyo codeyn la sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here