Muqdisho (SMN) — Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in hoggaamiyaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, la soo taago maxkamad caalami ah, maalin kadib markii hoggaanka dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay Magaalada Garoowe kula kulmeen guddi khubaro ah oo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaas oo ku hawlan u kuur-galka iyo raadinta xaqiiqada xaaladda magaalada Laascaanood, halkaasi oo todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka socdeen dagaal iyo duqeymo geystay khasaaro kala duwan.
Khuburadan ka socda Qaramada Midoobay ayaa diiradda saaray sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Magaalada Laascaanood, waxaana ay sheegeen in ay diyaarin doonaan xog dhameystiran oo ay la wadaagi doonaan Golaha Ammaanka iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Maxamed Cali oo ka qeyb galayay barnaamijka Madasha Shacabka oo baxa Idaacadda Shabelle, ayaa marka hore soo dhaweeyay guddiga xaqiiqo raadinta ah ee loo diray in ay soo baraan wixii ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Wuxuu Maxamed ku baaqay in hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi la soo taago maxkamad caalami ah,maadaama sida uu sheegay amarka Muuse Biixi uu sababay in duulaan lagu qaado Magaalada Laascaanood.
Muuse Maroodi oo isna ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay barnaamijka Madasha Shacabka, ayaa muujiyay sida uu uga xun tahay dhiiga shacabka ee ku qubanaya Magaalada Laascaanood, isagoona dalbaday in Hoggaamiye Muuse Biixi la soo taago maxkamad caalami ah.
Mustaf Karaama oo isna fekerkiisa cabiray, ayaa qeexay in taariikhada ay qoreyso xasuuq uu sheegay in hoggaamiyaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu u geystay shacabka ku dhaqan Magaalada Laascaanood.
Isagoo hadalkiisas ii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay dulaanka lagu qaaday Laascaanood uu meesha ka saaray halganka uu Maamulka Somaliland aqoonsi uga raadinyay Dowladdaha Caalamka 30-kii sanno ee la soo dhaafay.
Dagaalka Laascanood oo qarxay bishii la soo dhaafay ayaa galaaftay nolosha 200 oo qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 1,000, kuwaasi qaarkood dhaawacyadooda lagu soo daabulay Magaalada Muqdisho, halka 200,000 oo qoysna ay naftooda kala carareen Magaalada Laascaaanood.
Xaalada Maagalada Laascaanood ayaa ah mid deggan, inkastoo laga cabsi qabo in markale uu halkaasi qarxo dagaal u dhaxeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo kuwa dadka degaanka, maadaama labada dhinac ay weli isku hor-fadhiyaan duleedka Xarunta Gobolka Sool.