Shacabka magaalada Muqdisho oo ka hadlay shirka magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka madasha wadatashiga qaran ee lagu wado in uu ka furmo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku wada sugan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihiisa, Xamsa Cabdi Barre, iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, marka laga reebo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani.

 

Shirkan oo ka qeyb galkiisa uu ku gacan seeray Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa waxyaabaha looga hadli doono waxaa ugu horreeya arrimaha doorashooyinka dalka.

Mustaf Maxamed oo ka qeyb galayay barnaamijka madasha Shacabka oo ka baxa Idaacadda iyo muuqaal-baahiyaha Shabelle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka madasha wadatashiga qaran, isagoona xusay in qodobada ka soo baxa shirkan ay noqdaan kuwa wax ka qabta dhibaatooyinka ka jira dalka.

Sheekh Bashiir oo isna ka qeyb galay barnaamijka Madasha Shacabka, ayaa marka hore soo dhoweeyay shirka madasha ee ka furmaya Magaalada Baydhabo, waxuuna Alle ka baryay in shirkan uu noqdo mid mira-dhala, Shacabka Soomaaliyeedna ka saara dhibaatada ay dhex-dabaalayaan.

Abshir Cadde oo isna cabiray fekerkiisa, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada uga furmaya Magaalada Baydhabo uu ku soo dhamaado si nabdoon, isagoona soo hadal qaaday in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabduulaahi Dani looga baahnaa in uu la mid noqdo Maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda ugu sarreysa dalka in ay wax ka qabtaan tabashada Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu wado ka furmo Magaalada Baydhabo ayaa muujinaya sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay uga go’an tahay isku haynta Maamul Goboleedyada, waxaana dad badan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani uu shaqsi doonaya in uu siyaasadeeyo shir looga hadlayo masiirka ummad Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here