Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyay safarka madaxweynaha ee Eritrea

0

MUQDISHO (SMN) – Qaar ka mid ah Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay mudnaanta uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, siiyay Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa uu tabbabarka uga socdo dalka Eritrea.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markii sedexaad booqasho ku tegay dalka Eritrea, kadib markii uu casuumaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki, waxaana labada madaxweyne oo kulmay Magaalada Asmara ay ka wada hadleen xariirka labada Dowladdood.

Booqashada Madaxweynaha ee dalka Eritrea ayaa loo arkaa mid dhiiro-gelin siineysa kumanaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo tabbabaro kala duwan ku qaadanaya dalka Eritrea.

Idaacadda Shabelle ayaa hordhigtay shacabka su’aal ku aadan mudnaanta uu Madaxweynaha siiyay ciidanka Soomaaliya ka jooga daka Eritrea, waxaana Abshir Cadde oo ka mid ahaa dadkii aragtidooda cabirayay uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mudan yahay in lagu ammaano dib u soo celinta qaar ka mid ah askartii tabbabarka ku qaadanayay dalka Eritrea.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Abshir wuxuu carabka ku adkeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu degay quluubta hooyin Soomaaliyeed, maadaama dalka uu dib ugu soo celiyay kumanaan dhallinayaro oo ka mid ahaa askartii ku sugneyd dalka Eritrea.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dib u soo celinta askarta kale ee tabbabarka ku qaadaneysa dalka Eritrea, si buu yiri ay wax ugu qabtaan dalkooda hooyo.

Nuur isna ka mid ahaa dadkii qeyb galay barnaamijka Madasha Shacabka oo ka baxa Idaacadda iyo muuqaal-baahiyaha Shabelle, ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha ee Eritrea uu la xiriiro ka shaqeynta danaha dadka iyo dalka, isagoona soo dhaweeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu siiyo mudnaanta kowaad ciidanka tabbabarka uga socda dalka Eritrea.

Si-kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhabeeyay ballan-qaadkiisii ahaa in uu dib u soo celinayo ciidanka Soomaaliya ka jooga dalka Eritrea, kuwaasi oo muddo shan sanno halkaasi ku maqnaa, waxaana Madaxweynaha uu dalka dib ugu soo celiyay kumanaan askari, kuwaasi oo haatanba ka qeyb qaadanayo howlgallada ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here