Shaki xoogan oo hareeyey natiijada rasmiga ah ee doorashada dalka Kenya

0

Nairobi (SMN) – Ayada oo aan weli lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxaya shaki weyn oo hareeyey natiijada doorashadaasi.

Cabdiraxmaan Cadow oo deggan dalka Norway, isla-markaana si dhow ula socday doorashada Kenya ayaa Shabelle uga warbixiyey sida ay wax u socdaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii ay dhacdo ku shubasho inay ka dhalan doonto cawaaqib xumo ay wajihii doonto Kenya.

“Haddii lagu shubto waxaa dhici karta inay arrintaasu ma aragtay ay cawaaqib xun yeelato,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cadow.

Doorashadaan ayaa waxaa si weyn isugu haayo labada nin kala ah Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi William Ruto iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here